U.S: Dad ku dhintay dabaylo ku dhuftay Maraykanka

Xaaladaha jawiga iyo cimilada oo xun darteed ayaa koonfur galbeedka dalka Mareykanka iyo waqooyiga Maxico waxaa ku dhintay ugu yaraan 19 ruux.

Cimilladan ayaa sidoo kale sabab u noqday burbur baaxad weyn.

Inta badan dadka dhintay ee la xaqiijiyay ayaa ku sugnaa magaalada Acuna ee xadka Maxcico, oo ay ku dhufatay duufaanta Tornado.

Gobolka Texas ee Maraykanka ayaa iyana la ogsoon yahay in ay ku dhinteen saddex qof, laba iyo toban kalana waa la la’ayhay kaddib markii daad ay qaadeen guriyahooda.

Comments

comments

SHARE