Somaliland: Xukumada Iyo Ganacsatada Waaweyn Ee Dalka Oo Isla Waafaqay In Wax Lagu Kala Iibsado Kaliyaata Lacagta Shilling Somaliland.

Waxaa Ay Sabab Ugu Dhigen Arintaasi Ka Dib Markii Qiimo Dhac Iyo Hoos U Dhac Weyni Uu Ku Yimid Shilinka Somaliland Sidoo Kalana.

Shir Jaraa’id  Oo Si Wada Jir Ah Xafiiska Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Ay Ugu Qabteen Wasiirka Maaliyada ,Wasiirka Ganacsiga ,Gudoomiyaha Baanka Dhexe , Mareeyaha Dekada Berbera , Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Waaweyn Ee Somaliland Ayaa Waxaa Ay Ka Sheegen In Maanta Laga Bilaabo Ay Go,Aan Ku Gaadhen In Dalka Lagu Dhex Isticmaalo Isla Markaana Wax Lagu Kala Iibsado Shilinka Somaliland Taas Badelkeedana Ay Joojiyeen Isticmaalka Lacagta Dolarka .

Waxaa Ay Sabab Ugu  Dhigen Arintaasi Ka Dib Markii Qiimo Dhac Iyo Hoos U Dhac Weyni Uu Ku Yimid Shilinka Somaliland Sidoo Kalana ay kor u kacday mashiicadii waddanku.

 

Sidoo Kale  Waxaa Ay Shirkoodooni Jaraa’id Ay Ku Sheegen In wada-hadalada arintan lagaga wada xaajoonayey Ay U Socdeen Muddo Laba Bilood Ah  Kagana Hadlayeen Sidii Wax Looga Qaban Lahaa Kor U Kaca Sarifka Lacagta Dolarka  Go,aankan Ay Maanta Ku Dhawaqeena Uu Yahay Mid Ay Isla Waafaqen Una Arkeen In Uu Xal U Noqon Karo Dhamaan Arimahaas Aanu Kor Ku Xusnay .

 

Comments

comments

SHARE