Somaliland: Shirkii Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradku u Ballansanaayeen oo Baaqday, Maxaase sababay?

106

Shirkii la filayey in uu maanta mar saddexaad dhex maro xisbiga talada haya iyo xukuumadda oo dhinac ah iyo labada xisbi mucaarid ayaa u eg in uu baaqan doono.

Weriye ka tirsan Bandhige oo saaka subaxnimadii hore kula kulmay saraakiil ka tirsan Waddani Emperial Hotel goor ay tababar u furayeen Tabobarka Garabka Haweenka ee Xisbiga Waddani, ayaa halkaas ka soo ogaaday in sida ay u badan tahay shirku baaqan doono lagana yaabo in xisbiyada mucaaridku goor dhaw war-murtiyeed wada jir ah soo saaraan kaas oo ay ku muujinayaan mowqifkooda.

Sarkaal ka tirsan madaxda xisbiga Waddani oo diiday in magaciisa la xuso ayaa Bandhige u sheegay in Madaxweyne-Xigeenka Somaliland oo wada-hadallada guddoominayey uu Berbera u baxayo, taasina ayay sabab u noqonayso in uu shirku baaqdo.

Lama oga in mar kale la ballami doono iyo in kale haddii shirkii maanta loo ballansanaa uu sidaas ku baaqdo.

Wixii war ah ee hadba soo kordha kala socda wargane.

Xigasho Bandhige

 

Comments

comments