Somaliland: Guddoomiye Saleebaan Oo La Kulmay Madaxwyne Siilaanyo

122

Guddoomiyaha Guurtida Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Hindise Kasta Oo Xukuumadda Iyo Xisbigeeda KULMIYE Ku Aqbasho Wax Ka Badalka Go’aankii Guurtida Ee Muddo Kordhinta.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa waxa uu ugu baaqay in aanay marnaba ku fikirin in ay ku kacaan tallaabo kasta oo ay wax kaga badali karaan Go’aankii Golaha Guurtida Somaliland ka qaadatay Muddo kordhintii ay u sameeyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada ee uu ka dhashay khilaafka siyaasadeed, kadib kulan uu shalay qasriga Madaxtooyada Guddoomiye Saleebaan kula yeeshay Madaxweyne Siilaanyo.
Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayay warar xog ogaal ahi xaqiijiyeen in uu shalay Kulan albaabadu u xidhnaa Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Madaxweyne Siilaanyo kaasi oo ujeedadiisu ahayd sidii uu Madaxweyne Siilaanyo ugu qancin lahaa in aanu marnaba ku tallaabsan wax ka hor imanaya Go’aankii Golaha Guurtida Somaliland ee Muddo kordhinta ahaa si kasta oo cadaadis uga yimaad beesha Caalamka ama xisbiyada Mucaaridka ah, Madaxweynuhuna si aan leex leexad lahayn ugu shaqeeyo go’aankoodaasi.
Kulankan oo aan saxaafadda wax xog ah laga siin ayaa la sheegay in labadan masuul isku waydaarsadeen aragtiyo la xidhiidha sidii xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee ay keentay muddo kordhintii Guurtidu u samaysay xukuumadda iyo Golaha Wakiilada ee dib loogu dhigay doorashooyinka Madaxwtooyada iyo Wakiilada muddo Sannad iyo Toban bilood ah taasi oo maalintii go’aankaasi soo baxay illaa maanta ay dalka ka taagan tahay xaalad siyaasadeed oo cakirani maadaama ay go’aankaasi si weyn uga biyo diideen Isbahaysiga xisbiyada Mucaaridku.
Sida ay Wargeyska FOORE u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo kulankaasi ka ag dhawaa, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md.

Saleebaan Maxamuud Aadan oo la sheegay in uu isagu Madaxweynaha shalay booqasho ugu tagay ayaa la sheegay in uu Madaxweynaha ula tagay talo iyo aragtidiisa ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee Muddo kordhinta ka dhalatay waxaanay ilahaasi noo xaqiijiyeen in Guddoomiye Saleebaan uu Madaxweynaha ku guubaabiyey in si kasta oo xisbiyada Mucaaridka ahi uga hor yimaaddeen go’aankii Guurtida iyo waliba aragtidii Beesha caalamku ka bixisay aanu u joojin ee uu isaga iyo xukuumaddiisu ka shaqayso sidii ay go’aankaasi ugu shaqayn lahaayeen xisbiyadana ugu qancin lahaayeen in ay qaataan.

Tallaabadan Guddoomiyaha Guurtida ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay cakiran tahay gogoshii xukuumaddu u fidisay Mucaaridka kadib markii xisbiyada Mucaaridku halkoodii iyo meel ka sii adag ay ka istaageen go’aankii Guurtida wuxuuse sida warkani sheegayo Guddoomiye Saleebaan Madaxweynaha ka codsaday in ka noqosho go’aankaasi ku timaaddaa ay si weyn u dhaawacayso karaamada Golaha Guurtida gaar ahaan isaga, talada Guurtiduna ahayd mid buu yidhi ku dhisan lexejeclo dalka ay ka qabaan maadaama ay sidaasi u arkeen in ay ku jirto xalka doorashooyin ka qabsooma dalku.
Xogaha aanu kulankaasi ka hellay waxa ay sheegayaa oo kale in talada Guddoomiyaha guurtidu Madaxweynaha ula tagay ay ka dambaysay kadib markii ay soo baxeen warar xan ah oo sheegaya in Madaxtooyada iyo Hogaanka xisbiga KULMIYE qaadan karaan wax ka badal kooban oo Maxkamadda sare ku samayso Go’aanka Guurtida si ay xal kama dambays ah ula gaadhaan xisbiyada Mucaaridka ah ee wada hadaladii ay furtay uu socon la’ yahay, arrinkaasi oo keenay in Guddoomiye Saleebaan ka hor tago gaashaankana u daruuro kulankanna shalay ugu tago.

Comments

comments