Nigeria: Shidaal yari soo food saartay Guud ahaan dalka Nigeria

Jahawareer ayaa ku sii weynaanaya dalka Nigeria, halkaasoo mashaakil xagga shidaalka ah uu dhaliyey carqalad weyn.

Shidaal yarida ayaan saamayn oo kaliya gaadiidka, laakin sidoo kale saamaysay matoorrada dabka dhaliya ee ay ku tiirsan yihiin dad badan.

Korontada Nigeria ma’aha mid la isku hallayn karo, oo dadka iyo shirkadaha waaweynba waxay adeegsadaan matoorrada dhaliyo korontada.

Xukuumadda Madaxweyne Muxammadu Bukhari oo xilka la wareegi doonta Jimcaha ayaa ku eedeysay maamulka xilka ka sii degaya inay curyaaminayaan dhaqaalaha ugu weyn Africa.

Comments

comments

SHARE