Ukraine: Hogaamiyihii ciidamada gooni u goosadka oo la dilay

114

Mid kamid ah hogaamiyayaashii sare ee ciidamada gooni u goosadka bariga dalka Ukraine ayaa Sabtidii lagu dilay weerar bambaano.

Aleksei Mozgovoi ayaa la sheegay in bambaano loogu xiray gaarigiisa, qaraxaasi oo ay sidoo kale ku dhinteen lix qof oo kale.

 Hogaamiyahan ayaa xukumay guutada lagu magacaabo ‘Prizrak’ oo ka dagaalama gobalka Lohansk ee bariga dalka Ukraine.

Comments

comments

SHARE