Somalia: Dowladda oo xaqiijisey in Xildhibaan Yusuf Cabdi Dirir gacantooda ku dhintey

War ka soo baxay Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa lagu sheegey in dilkii shalay loo geystey Xildhibaan Yusuf Cabdi Dirir iyo wadihii gaariga uu la socdey, isla markaana lagu dhaawacay dad kale, maalintii shalay ay ka danbeeyeen ciidamada Dowladda, kuwaas oo si khaldan u socdey isla markaana ay kala shakiyeen sida ay hadalka u dhigeen.

Isla maalintii shalay al-Shabaab ayaa sheegtey in ay dilkaan ka danbeeyaan!!, waxaana la is weydiinayaa Sheegashooyinka al-Shabaab cidda masuulka ka ah, Maxaa ka jira sheegashoyinkii hore ee al-Shabaab.

Hoos ka akhri warka ka soo baxay Wasaaradda Amniga

Shir ay xalay isugu yimaadeen Hay’adaha Amniga ayaa looga hadlay dhacdadii uu ku geeriyooday Allaha ha u naxariistee xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi iyo darawalkiisa kuna dhaawacmeen askari boolis ah iyo lix ka tirsam ciidanka milateriga.

Wasaarada Amnigu waxay ugu horayn halkaan tacsi uga diraysaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Xildhibaan Yusuf Cabdi Dirir, waxaana ilaahay uga baryaynaa inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo, samir iyo imaana ka siiyo qoyskii, qaraabadii, Xildhibaanada Baarlamaanka, iyo dhamaan shcabka Soomaaliyeed.

“Dhacdadaan xanuunka badan waxay u dhacday sida tan; gaari ay wateen Xildhibaanda oo marayey wadada Maka-Al-mukarama ayaa waxaa ka daba yimid gaari ciidan saaran yihiin, wuxuuna u yeeriyey hoon, madaama ay shaki abuuri karto gaari si xoog ah u socda, gaariga Xildhibaanadu waxay u diideen inuu baaso gaariga ciidanka, kadiba gaarigii ciidanka wuxuu qabsaday seedkii kale, wuxuuna isla markiiba horey uga yimid gaarigii xildhibaanada, rasaas ayuuna ku furay gaarigii xildhibaanada, ilaaladii waardiyeeynaysay xildhibaanada, ciidankii waardiyaha ka ahaa Laanta Socdaalka, iyo ciidamo ka tirsan nabadsugida oo goobta ka dhawaa ayaa rasaas ku soo riday gaarigii ciidanku wateen, waxaana gaarigii ciidanka milaterigu wateen goobta ka baacsaday ciidankii nabad sugida, waxayna ka dhaawaceen lix askari” ayuu yiri Afhayeenka Aminga oo dhanka kale xusay in dhacdadaas uu ku naf waayey xildhibanka iyo darawalkiisa, waxaan dhawac ka soo gaaray mid ka mid ah ilaaladii Xildhibaanka oo ka tirsanaa ciidanka Booliska iyo lix ka tirsan ciidanka milateriga.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadaan aysan ahayn mid lagu bartilmaameedsanayey xildhbaanada, balse gaariga ciidanku wateen wuxuu ku socday si masuuliyad daro ah. ” waxaana meesha ka dhashay kala shaki sababay in lays rasaaseeyo, mana jiraan gacmo kale oo ku lug lahaa qaabka wax u dhaceen” ayuu mar kale yiri Afhayeenka Amniga.

Dowladu waxay u saartay gudi ka kooban todobo xubnood, gudigaas waxaa la amray in ay muddo kooban ku soo gabagabeeyaan baaritaankooda, si loola tiigsado sharciga cid walaba oo ku lug lahaata falkaas.

Comments

comments