Somalia: Axmed Madoobe oo jawaab culus u direy Dowladda Federaalka iyo maamulka K/Galbeed

Madaxweynaha maamulka kumeelgaarka ah ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa jawaab culus u direy Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii Baarlamaanka federalka looga doodey mooshin ka dhan ah Baarlamaan Goboleedka Jubba, Mooshinka waxaa soo abaabuley Xildhibaano u badan kuwa ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa Mooshinka soo faro geliyey Xukuumadda oo dhankeeda guddi u saartey.

Axmed Islaan ayaa si qoto dheer uga hadley dhisamaha maamulkii Jubaland, wuxuuna si cad u faahfaahiyey in Baarlamaanka Jubaland aan lagu saleyn 4.5 ee lagu saleeyey deegaan iyo demooyin.

Baarlamaanka ayuu u sheegey in shaqooyin waaa-weyn u yalaan ee aysan isku mashquulin hawlo Soomaalinimada ka baxsan.

Comments

comments

SHARE