Malaysia: Xabaalo-Wadareedyo loo malaynayo tahriibayaal oo laga helay dalka Malesiya

174

Warbaahinta dalka Malaysia ayaa maanta oo Axad ah shaaciyey in waqooyiga dalkaasi laga helay xabaalo-wadareed ay ku aasan yihiin dad qaxooti ah.

Xabaalahan ayaa laga helay gobalka Perlis ee ku yaal waqooyiga Malesiya oo xaduud laleh dalka Thailand.

Nawaaxiga goobaha xabaalahan laga helay ayaa sidoo kale waxaa laga helay xeryo si khasab ah loogu heyn jiray dadka tahriibayaasha ah ee ka yimaada dalka Burma.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Malesiya Ahmad Zahid Hamidi ayaa warbaahinta u sheegay in xeryahaasi tahriibta ay jireen muddo 5 sano ah.

Kooxaha ka shaqeysta tahriibta ayaa la sheegay inay adeegsan jireen xeryo qarsoodi ah oo ku yaal kaymaha ku yaal dalalka Thailand iyo Malesiya.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayey dalalka Aasiya gaar ahaan Indonesia iyo Malaysia ay soo gaarayeen doonyo wada boqolaal qaxooti ah oo ka yimid dalka Burma iyo Bangaladheesh.

Maalmo kahor ayey wadamada Malesiya iyo Indonesiya ku heshiiyeen inay dagaal la galaan kooxaha ka ganacsada Tahriibta.

Comments

comments

SHARE