Burundi: Hogaamiyaha Xisbiga UPD oo la dilay!

116

Waxaa Sabtidii caasimada Burundi ee Bujunbura lagu dilay hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UPD.

Md.Zedi Feruzi oo isagu kamid ah Muslimiinta Burundi ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen kooxo hubeysay xili uu marayey meel u dhaw gurigiisa.

 Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay nin illaalo u ahaa siyaasigan si weyn looga yaqaan dalka Burundi.

Xiliga dilka dhacayey ayaa la sheegay in goobta ay ku sugnaayeen ciidamada militariga balse falkan kama aysan hortagin sida ay sheegeen dadka goobtaasi degen.

Kadib dilkan ayey dadka xaafadaasi degen xirteen wadooyinka xaafadaasi.

Dalka Burundi ayey xiisado ka taagan yihiin tan iyo intuu Madaxweynaha xilka haya Pierre Nkuruziza uu sheegay in uu mar sadexaad xilka u tartami doono, waxaana fashilay inqilaab military oo la isku dayey in xilka looga tuuro.

Taageerayaasha Madaxweynaha ayaa horey loogu eedeeyey in ay dil la beegsadeen dadka mucaaridka ah.

Comments

comments

SHARE