US: Maraykanka oo shaaciyey qoraaladii u ka helay Gurigii Osama Bin Ladin

Dowlada Maraykanka ayaa Arbacadii shalay shaacisay qeyb kamid ah qoraaladii ay ka heleen gurigii hogaamiyihii Al Qacida bishii May 2011.

Qoraaladan ayaa muujinaya talooyinka Osama Bin Ladin siin jiray kooxaha ka amar qaata, isagoo ku baaqayey in kooxaha Al Qacida ay xooga saaraan weerarada ka dhanka ah dalka Maraykanka.

 Osama Bin Ladin ayey qoraaladaasi ka muuqatay inuu ugu baaqayey kooxda Al Qacida inaysan ku mashquulin dalalka Islaamka ah dowladaha kajira balse ay xooga saaraan sidii ay u weerari lahaayeen dalka Maraykanka.

Shaacinta qoraaladan ayaa qeyb ka ah mashruuca Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ee ku aadan in dowlada ay shacabka usoo bandhigto xogta ay gacanta ku heyso.

Balse qaar kamid ah Suxufiyiinta Maraykanka ayaa aaminsan in dowlada Maraykanka ay weli qarineyso sir badan oo ku aadan Osama Bin Ladin iyo waliba qaabkii lagu helay gurigii uu ku dhuumaaleysanayey ee ku yaal dalkaasi Pakistaan.

Bin-Ladin-Gurigii-Pakistaan

Waxaa jira warar badan oo weli la isla dhexmarayo oo ku aadan habkii uu u dhacay weerarkii la sheegay in lagu dilay hogaamiyaha Al Qacida bishii May sanadkii 2011.

Horey ayaa loo shaaciyey qaar kamid ah qoraalo Osama Bin ladin uu qoray, waxaana ka mid ahaa Waraaq uu u qoray Hogaamiyihii Al Shabaab Axmed Godane, qoraalkaasi oo uu Osama Bin Ladin ugu baaqay al Shabaab inay dhibka ka yareyso shacabka masaakiinta ah ee Soomaalida ah.

Osama Bin Ladin ayaa diidanaa in Al Shabaab xubin ka noqoto Al Qacida, halka uu arrintaasi taageersanaa kuxigeenkiisa Ayman Al Zawahiri oo markuu xilka Al Qacida qabtay kooxda Al Shabaab u aqoonsaday xubin kamid ah ururada Al Qacida hoostaga.

Comments

comments