US: Isbaheysiga Maraykanka oo dib u eegis ku sameenaya la dagaalanka ISIS!

Wadamada xubnaha ka ah Isbaheysiga la dagaalanka kooxda ISIS ayaa dib u eegis ku sameenaya qorshahooda kadib guulihii kooxdaasi ISIS ay ka gaartay dagaalka ka socda Ciraaq & Siiriya.

Wadamada Isbaheysiga la dagaalanka ISIS xubnaha ka ah ayaa gaaraya 60 wadan, kuwaasi oo ku balansan 2da bisha June inay isugu yimaadaan magaalada Paris.

Kooxda ISIS ayaa guulo horleh ka gaartay dagaalada ka socda dalka Ciraaq, waxayna kooxdaasi todobaadkan la wareegtay magaalada Ramadi ee xarunta gobalka Anbar ee bartamaha dalka.

 ISIS ayaa sidoo kale qabsatay dhul horleh oo ka tirsan dalka Siiriya.

Isbaheysiga la dagaalamaya ISIS ee uu hogaamiyo Maraykanka ayaa doonaya inay ka shiraan waxa ka khaldan istaraatijadooda dagaalka iyo wixii laga bedali karo habka ay u abaareen kooxdan.

Comments

comments

SHARE