Somaliland: Xuseen Bisad oo Ugu Baaqay Bulshadda Caalamka Inay Tix-geliyaan rabitaanka Shacbiga Somaliland

Xuseen Maxamed Bisad oo ah ninka labaad ee caalamka ugu dheer ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay aqoonsadaan Somaliland oo ay tix-galiyaan rabitaanka shacabka aayahooda ka tashaday.

Xuseen Bisad oo ka hadlayay sannad-guurada 24 aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo uu kaga qayb galay caasimadda Hargeysa, ayaa caalamka dareensiiyay siday ugu weyn tahay ummadda reer Somaliland jiritaanka dawladnimadoodu.
“Maanta waa maalin weyn waa maalintii aanu la soo noqonay qaranimadayadii lixdankii naga luntay waa maalintaanu dhalanay waa maalin ku timi halgan naf iyo maalba loo huray,waa maalin nagu joogta xinjiro iyo nafo nagu qaali ahaa mana aha maalin aanu ilaawayno ka noqoshona malaha qaranimadayadu,”ayuu yidhi isagoo ka hadlayay dareenkiisa iyo debbaal degga 24 guurada qaran.
Xuseen Bisad waxa uu la hadlay beesha caalamka waxaannu yidhi “Beesha caalamka waxaan leeyahay waxaannu nahay dad tashaday oo dalkoodii oo baaba’ay dhistay oo wax qabsaday,adduunku wuu arkaa maalintii aanu dalkayaga dib ula soo noqonay siduu ahaa iyo halka uu maanta marayo,beesha caalamku maxay indhaha nooga qarsanaysaa haddaanu aayahayaga ka tashanay oo dalkayaga dhisanay go’aankayagu waa mid qaran oo aan ka noqosho lahayn.”
“Bulshada reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa midnimo iyo wada jir iyo in aynu nabada wada ilaashano oo qarannimadeenna meel uga soo wada jeedno taas ayaynu ku gaadhaynaa dariiqa horumarka iyo guusha horena ugu soo caano maalnay,”ayuu yidhi Xuseen Maxamed Bisad ninka labaad ee adduunka ugu dheer oo munaasibadda 24 guurada maalinta qaran kala qayb qaatay shacabka reer Hargeysa debbaal degga 18 May.

Comments

comments

SHARE