Kenya: Al-Shabaab oo muxaadaro ka jeedisay Masjid ku yaala Kenya

Koox ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa gudaha u galay Masjid ku yaala Gaarisa waxaana ay Muxaadaro u jeediyeen dadkii  Masjidka ku sugnaa.

Mid kamid ah dadkii dhegaystey khudbadda al-Shabaab ay ka jeediyeen masaajidka ku yaala deegaanka Ijaara /Gaarisa ayaa yiri waxay ahaayeen ciidan aad u hubeysan oo gaaraya 40 qof, Dadka ayey magaalada ka soo kaxeeyeen waxaaana ay isugu keeneen Masaajidka halkaas oo ay muddo laba saac ah muxaadaro u jeedinayeen, halka qaarkood ay Masjidka kor ka ilaalinayeen.

Qofkan oo ka gaabsadey magiciisa ayaa yiri, muxaadaradoodu waxay u badneyd in ay dadka ku booriyaan Jihaadka, waxay nooga digeen in aan la shaqeyno maamulka Kenya, Waxay dadka ku booriyeen in ay ka mid noqdaan al-Shabaab.

Kadib markii ay khudbadda dhameeyeen waxay aadeen dhanka duurka oo ay markii hore ka yimaadeen.

Arrintan ayaa dharbaaxo weyn ku noqoneysa laamaha Amniga ee Kenya, taas oo muujineysa awoodda al-Shabaab ay ku dhexsamaysteen dalka Kenya.

Bilo ka hor ayey ahayd markii koo ka tirsan al-Shabaab ay 150 qof ku dileen Gaarisa, kadib markii ay qabsadeen Jaamacadda Gaarisa oo ay dhiganyeen ardey bololaal ah, waxaana ay u kala sooceen diinta ay aaminsan yihiin.

Comments

comments