Yemen: Qabaa’ilka oo taageeray ciidamo loo diro gudaha wadanka Yemen

Waxaa Salaasadii shalay lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga shirweyne socday sadex maalmood oo ay ka qeyb galeen hogaamiyayaasha Qabaa’ilka Yemen iyo siyaasiyiintooda.

Shirweynahan ayey beelaha kasoo qeyb galay ku taageereen Dowlada dibad joogta ah ee Cabdirabuh Mansuur Hadi oo isagu shirka khudbad kasoo jeediyey.

Shirkan ayaa lasoo afjaray saacado kadib markii ay Isbaheysiga Sucuudiga uu dib u bilaabay duqeynta dalka Yemen iyo xarumaha Xuuthiyiinta.

Xabad joojintii socotay shanta maalmood ayaa ku ekayd Axadii lasoo dhaafay, waxaana duqeyntii ugu horeysay bilaabatay habeenimadii Salaasada soo galeysay iyadoo la duqeeyey goobo ku yaal magaalada Sanca oo ay ku jirto Madaxtooyada.

Madaxweyne Hadi oo ka hadlay shirka Riyad ayaa sheegay in Xuuthiyiinta ay jabiyeen xabad-joojinta isagoo ku eedeeyey inay kooxdaasi iyo taageerayaasha Cali Cabdallah Saalax ay sii wadeen weerarada iyo dilka ay ku hayaan shacabka Yemen.

Hogaamiyayaasha Dhaqanka ee ka qeyb galay shirka ka dhacay Riyad ayaa sidoo kale ku baaqay in la dhiso ciidamo ka kooban dalalka Carabta kuwaasi oo gudaha u gala dalka Yemen si ay u sugaan amni magaalooyinka waaweyn.

Beelaha Yemen ayaa sidoo kale ku heshiiyey inay dar dargeliyaan dhismaha dowlad Federaali ah oo loo dhan yahay.

Shirkan ayaa waxaa qaadacay inay kasoo qeyb galaan Xuuthiyiinta oo diiday inay tagaan wax shir ah oo lagu qabto dalalka ka qeyb qaadanaya dagaalka ka socda Yemen.

Comments

comments

SHARE