UN: Qaramadda Midoobay oo cambaareysay dib u celinta qaxootiga Burma

147

Hay ‘ada Qaxootiga ee UNHCR iyo Guddiga Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka ayaa cambaareeyey dalalka Indonesia, Thailand iyo Malesiya.

Baaq kasoo baxay Qaramada Midoobay Salaasadii shalay ayaa lagu sheegay in dalalkaasi aysan dib u celin karin dadka qaxootiga ah ee doonayaha ku imaanaya wadamadaasi.

 Dalalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay dib u celinayey boqolaal qaxooti ah oo doonyo saaran kuwaasi oo ka yimid dalalka Burma iyo Bangaladhesh.

Dadka qaxootiga ah ee kasoo barokacay dalka Burma ahna muslimiinta waxay xaquuq u leeyihiin in la qaabilo oo si bini’aadamnimo ku dheehan loola dhaqmo ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay UNta.

Axadii lasoo dhaafay ayey dowladahan ayaa xeebahooda u diiday dooni sida 300 qaxooti ka yimid Burma, doonidaasi oo hadba sidii dhinac looga soo celinayey markii danbe bada ku dhex dhuntay, illaa iyo hadana aan la aqoon meeshii ay ku danbeysay.

Comments

comments

SHARE