Turkey: Fanaanad Caan ka ah Turkiga oo la toogtay!

Waxaa dhaawac culus uu soo gaaray fanaanad da’a yar oo si weyn looga yaqaan dalka Turkiga.

Mutlu Kaya oo ah 19sano jir ayaa la sheegay in laga soo toogtay daaqad iyadoo gurigeeda dhex-joogta, waxayna rasaasta uga dhacday madaxa.

Fanaanadan ayaa kusoo caanbaxday barnaamijka fanka oo lagu magacaabo Sesi Cok Guzel, waxaana la sheegay in muddooyinkii danbe ay soo gaarayeen hanjabaadyo loo soo dirayey.

Haweenaydan ayaa kasoo jeeda qawmiyada Kurdida.

Booliiska ayaa falkan u qabtay sadex nin oo uu ku jiro nin 26 sano jir ah oo ay saaxiibo ahaayeen, kaasi oo beeniyey inuu ka danbeeyey falkan, balse saaxiibkeeda ayaa qirtay inuu si weyn uga soo horjeeday fanka ay ku jirtay haweenaydan.

Comments

comments

SHARE