Somaliland: Millicsiga Mustawihii Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Miisaankii Arragtida Mucaaridka

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Isniintii todobaadkan munaasibadda 24 guurrada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland, shacbi weynaha u jeediyay khudbad uu si maan-gal ah ugu faaqiday waaqica siyaasadeed ee dalka ka jira, khudbadaasi oo ahayd mid aan aad u sii dheerayn waxa dadweynuhu ay kaga fal-celiyeen dareemo togan, waxaanay ku tilmaameen khudbad hufan oo ka turjumaysay sida uu ugu gaadiiday dublamaasiyadda.

Khudbadii Madaxweynuhu waxay ahayd mid uu kaga hadlay guud ahaan marxaladihii Somaliland soo martay ee uu isoo joogay, waxaannu dadweynaha reer Somaliland gudo iyo dibadba u muujiyay inay Somaliland tahay qaran ku filan inay xasladaan oo xal ay u helaan khilaafyada yar-yar ee ka dhashay dib u dhicii ku yimid doorashooyinkii lagu waday inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha bisha June ee fooda innagu soo haya, waxaannu ka afeeftay in beesha caalamku aanay dib dhaca doorashada ka dhigan mawduuc ay ku faro-geliyaan xaaladdaha daakhiliga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo khudbadiisan u dambaysay xataa waxa qiray taageereyaasha xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI Iyo UCID, oo si taxadar leh u muujiyay inay ahayd khudbad musataheedu sarreeyay oo aan xajiin iyo xanaf midna beeraynin.

Madaxweynaha Somaliland qodobbada uu sida weyn isu dul taagay waxa ka mid ahaa dib u dhaca doorashooyinka oo uu sheegay inaanu ku faraxsanayn isla markaana ay ahayd masuuliyad wadareed oo Ha’yado madax-banaan iyo jileyaasha siyaasaduba ay kaalin ku leeyihiin.
“Waxaan xoog badan saaray in doorashooyinku ay ku dhacaan xilligii loo asteeyay, mana jiro wax aannu hagranay, haba yaraatee, aniga iyo maamul-kaygu toona. Kuma faraxsani in ay doorashooyinku wakhtigoodii dib uga dhaceen, mana jecli hadda iyo hore toona turun-turooyinka ku yimaadda nidaamka dimuqraadiyadda. Waxaase dhacda, in marka lagu jiro hawlo adag ay soo bixi karto duruufo wax ka beddeli kara qorshayaashii aad qoon-daysatay. Hawlaha doorashooyinku waa masuuliyad wadareed oo ay wadaagan dhinacyo badan, canaanta dib-u-dhacana waa mid la wada leeyahay. Waxaynu nahay qaran leh shuruuc iyo xeerar haga. Haddaba, marka ay xaaladan oo kale timaado, dastuurka qaranka ayaa qeexaya jidka loo maraayo. Guddida Doorashooyinka Qaranku waxaa ay ii soo gudbiyeen 20/April/2015 qoraal ay ku cadaynayaan in aanay doorashadii xiligeedii ku qaban Karin,”ayuu yidhi Mqdaxweynaha Somaliland.

Marka ay arrintu sidaasi tahay waxa Madaxweyuhu uu meesha ka saaray in aanu isaga iyo xukuumadiisu midna aanay faro-gelinin muddo kordhinta Guurtiddu u samaysay xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda, waxa kale oo uu iska baraxay in aanu go’aanka aqalka sare ee baarlamaanka tirtiri Karin, bal eeg sida uu madaxweynuhu arrintaas uga gar naqsaday, waxaannu yidhi “Aniga oo ka duulaya taladaa, waxaan u gudbiyay Golaha Guurtida oo u xil saaran, awood sharcina u leh qiimeeynta xaaladdan. Ma jiro wax faro-gelin ah oo aan ku lahaa go’aammada ka soo baxay Aqalka Guurtida, waana Hay’ad u madax bannaan xil gudashadeeda. Aniga oo ah Madaxweynihii Qaranka, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Mudanayaasha Golaha Wakiillada, maanu ahayn kuwa maanta iyagu arrintaas ka talinayay, ee waa na loo talinayay. Si kastaba ha ahaatee, waxaynu nahay dal iyo dawlad leh nidaam iyo kala dambayn. Muwaadiniin ahaan, waxaa innagu waajib ah in aynu u hogaansanno, isla markaana tixgelino shuruucda iyo xeerarka aynu dhiganay. Aniga oo ah hogaamiyihii qarankan, si gaar ah waxaa i saaran ilaalinta iyo dhaqan-gelinta shuruucda iyo dastuurka dalka u yaalla.”

Madaxweynuhu waxa uu khudbadiisa dubaha ugu culus la dhacay beesha caalamka, mahad-naq uu u jeediyay taageeradooda Somaliland ka sokow, waxa uu si aan baydh-baydh lahayn ugu bandhigay in aanay Somaliland ka heli Karin galdaloolo ay jaanis ka dhigtaan inay dhex qaadaan siyaasadda Somaliland, waxa uu madaxweynuhu si adag uga taariikheeyay inay Somaliland leedahay awoodo mucjiso ah oo ay ku furdaamiso faraqyadda ka dhasha aragtiyaha iyo khilaafaadka siyaasiga ah ee maxaliga ah. Waxaannu yidhi “.Qaar ka mida wakiillada dawladaha innaga taageera Doorashooyinka, waxaa ka muuqda inuu gaadhay warar xaqiiqada ka fog, kuwaas oo keenay in ay wel-wel ka muujiyaan dib-u-dhacaa yimid doorashooyinka. Saaxibadayo, waxaan xasuusinaynaa in aannu ummad ahaan dhaqan iyo waayo aragnimo weyn u leenahay xakamaynta iyo xal-u-helidda khilaafyada siyaasiga ah. Waxaan shaki ku jirin in Somaliland hore ugu guulaysatay, kana soo gudubtay dhibaatooyin iyo marxalado ka culus dib-u-dhaca doorashada maanta taagan, iyada oo aan cidina soo faro-gelin. Waxaan aaminsanahay in aannu turxaanta gudahayaga taal ku filannahay, iyadoo aannu sidii caadada noo ahayd, wada hadal iyo is af-garasho wanaagsan aannu ku dhamaysan doono.”

“Waxaa isu-kay qaban la’ sida dawladaha qaarkood ugu degdegayaan faro-gelinta arrimaha gudahayaga ee aanu ku filannahay iyo sida ay uga warwareegayaan ama isu diidsiinayaan dhex-dhexaadinta is marin-waaga ka aloosan dalalka Somaliland iyo Somalia, taas oo xal-u-heliddeedu muhiimad weyn u leedahay xaqa aayo ka-tashiga ummaddayada iyo guud ahaanba xasilloonida mandaqada Geeska Afrika,”ayuu doodisa u daliishaday Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Sida dhaqanka iyo sifooyinka Hoggaamiyaha wanaagsani leeyahayba waxa madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu si kooban u taxay inta jeer ee uu qaraar uu isugu ku gal lahaa u liqay danta guud darteed, waxaannu xisbiyada mucaaridka ah uga mahad celiyay siday u ajiibeen gogoshii iyo wada hadalkii uu u fidiyay.
“Waxaan dhinacayga idiin cadaynayaa in aan ka door-bidayo masiirka iyo maslaxadda guud ee ummaddan wax kasta oo gaar ah.Waxaan ahay Axmed-kii shalay 80-ka cod ee muranku ku jiro kaga tegay kursi madaxweynenimo, anigoo tixgelinaya maslaxadda dalka.Xukun maroorsi iyo mansab jacayl layguma yaqaan, oo waxaan ahay hogaamiyihii ka badbaadiyay Somaliland laba shir beeleed 1996-kii oo lagu kala dooran lahaa madaxwayne, xilligaas oo ahaa mid aad u adag, Somalilandna intan ka jilicsanayd. Waxaan tudhaale awgeed u tanaasulayey aniga iyo xisbigayguba siddeed sannadood oo aanu mucaarid ahayn, waxaanan aqbalay saddex muddo kordhineed oo sanka isku haya.Caado iyo curfi toona uma lihi in aan damac kursi-doon dalkayga u dumiyo. Xaasha, manta aniga oo cimrigaa joogana, la iiga biqi maayo in aan dibin daabyeeyo dalkan.”

Xukun maroorsi iyo mansab jacayl layguma yaqaan, oo waxaan ahay hogaamiyihii ka badbaadiyay Somaliland laba shir beeleed 1996-kii oo lagu kala dooran lahaa madaxwayne, xilligaas oo ahaa mid aad u adag, Somalilandna intan ka jilicsanayd. Waxaan tudhaale awgeed u tanaasulayey aniga iyo xisbigayguba siddeed sannadood oo aanu mucaarid ahayn, waxaanan aqbalay saddex muddo kordhineed oo sanka isku haya,”ayuu ku hal-qabsaday madaxweyne Siilaanyo.
Si kastaba arrintu ha noqotee waxa siyaasiyiinta hoggaaminta dalka u baratamaya la gudboon inay damacooda xakameeyaan oo ay dantooda ka horeysiiyaan danta qaranka, markaas ayay heli doonaan iimaanka dadweynaha nabadda jecel sida Madaxweyne Axmed Siilaanyaba ay ku abbaaliyeen inay codkooda u hibeeyeen 70% in ka badan doorashadii u dambaysay ee madaxtinimada ee dalka ka dhacday badhtamihii 2010-kii.
Geesta kalena waxa habboon in aanay siyaasiyiintu Hoggaamiyeyaasha mucaaridku noqonin qaar ay ku shaqaysan karaan shisheeye Somaliland la dirir ahi.

Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com

Comments

comments