Burundi: Banaanbaxyo horleh oo ka dhacay Bujumbura

Magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi ayey Salaasadii shalay markale ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Pierre Nkurunziza.

Dadka mudaharaadayey ayaa sheegay inay sii wadi doonaan illaa uu Madaxweynaha ka tanaasulo inuu xilka u tartamo mar 3aad.

“….Ka yeeli meyno, Inqilaab iyo xukun 3aad, waa sii wadeynaa banaanbaxa illaa uu sheego inuusan xilka u tartami doonin doorashada soo socota….”ayey ku dhawaaqayeen mucaaridka banaanbaxa dhigayey.

Booliiska ayaa awood u adeegsaday dadkaasi inuu kala yaaciyo, walow xaalada magaalada Bujumbura ay tahay mid weli kacsan.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Burundi inuu dib u dhigo doorashooyinka la qorsheeyey inay dalkaasi ka dhacaan bisha soo socota ee June.

Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa kadib inqilaabkii militari ee fashilay todobaadkii hore xilkii ka qaaday Wasiirkii Difaaca iyo Wasiirkii Arrimaha Dibada, isagoo u magacaabay Wasiiro cusub oo kala ah Emmanuel Ntahonvukiye iyo Alain Aime Nyamitwe.

Comments

comments

SHARE