“Walaalayaal Muqdisho Waxaa Maanta Fadhiya Ciyaal Yaryar Oo Ku Kacday Dugsigii Maxamed Siyaad Barre” Hogaamiyaha Ucid

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, oo maanta kumanaan Shacbiga Burco ah kula hadlayay xuska 18-ka May, ayaa ku dheeraaday haddimooyinka Maamulka Puntland iyo Madaxda Somalia la maagan yihiin Somaliland. Waxa uu Umadda Somaliland ugu baaqay wada jir iyo inay u midoobaan danahooda, isagoo ku baaqay in kala qoqobka iyo qabyaaladda meesha laga saaro.

Eng Faysal Cali Waraabe oo shalay bookhday Ciidamada Jiida hore ee Bariga xilli uu Laascaanood ku tagay socdaal ayaa soo jeediyay in la dhiiri galiyo Ciidanka Qaranka Somaliland oo uu sheegay inay hadda is hor fadhiyeen Ciidan beeleed, isagoo u jeeda Puntland.

“Walaalayaal waa in Ciidamadeena aynu garab istaagnaa, waa in Mushaharka loo kordhiyaa, waa in damiirka loo shidaa, maantoo kale waa in Hilib la siiyaa walaalayaal, waa in Lacag la siiyaa oo la dhiiri galiyaa. Walaalayaal Ragga(Ciidanka) inoo heeganka ah ayaan salaam u dirayaa inta aynu inagu halkan habar-habarta isku haysanno” ayuu yidhi Eng Faysal.

Gudoomiyaha Ucid ayaa dhaliilay madaxda wakhtigan ee Muqdisho “Muqdisho waxaa fadhiya maanta oo Aduunka dhakada ka saaray Caruur yaryar oo ku kacday Iskuulkii Maxamed Siyaad Barre, oo aan garanayn wixii aynu ahaan jiray iyo inaynu qaran ahaan jiray, oo aan garanayn inaynu halgan galay, oo in la ina xasuuqay aan ogayn oo Idaacadda ka dhegaysan jiray Kubaddii gobolada ayaa Hargeysa lagu qabanayaa inagoo halganka ku jira, waxay inoo haystaan in inaga iyo Garbahaaray isku mid nahay, inaga iyo Garoowe,Kismaayo ayay ina simayaan. Walaalayaal Ciyaalkaasi waxay ku jiraan Taangiyo African wadaan, waxaa xukumada Nin Ingiriis ah oo Nicholas Kay la yidhaa oo amarka siiya, Soomaali wuu baabiiyay oo wuxuu ka dhigay 5 qaybood. Hadda inagay inoo soo jeesteen oo leeyihiin Somaliland hala soo qabto, Garoowe may inna qaban kartaa walaalayaal? Waa maya,”. Ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiyaha Ucid waxa uu dhalinyarada ka waaniyay Qabyaaladda “Dalkan waa la xoreeyay waa loo dhintay, 85% dhalinyaro ayaa joogta, mustaqbal baad u baahan tihiin oo reer hebel iyo reer hebel Mustaqbalkiinna dhisi maayo ee Somaliland ku hadaaqa. Qabyaalad cidda idiinla timaada walaalayaal iska naara waa Shayaadiine. Dad u dhashay Somaliland ayaa Muqdisho jooga oo Khaatumo la baxay oo USP la baxay Alle ha soo hadeeyo ayaan leeyahay kuwaasna”

Comments

comments