USA: Booliiska oo baaraya dagaalkii kooxaha Mootooyinka ee ka dhacay Texas!

Booliiska Maraykanka ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan dagaal culus oo kooxaha loo yaqaan Burcad wata Mootooyinka ku dhexmaray magaalada Waco ee gobalka Texas Axadii lasoo dhaafay.

Dagaalkan ayey ku dhinteen 9 qof kadib markii ay gacanta isula tageen shan kooxood oo kala gedisan kuwaasi oo ah kooxaha Mootooyinka wata oo burcad ah.

Iska horimaadka ayaa ka dhacay baar ku yaal magaalada Waco oo lagu magacaabo Twin Peaks halkaasi oo ay isku balan sadeen shan kooxood oo uu horey loolan xoogan ka dhaxeeyey.

Ciidamada Booliiska ayaa horey digniin u siiyey mulkiilaha baarkaasi in goobtaasi uu ka dhici karo dagaal, balse taladaasi ayaa laga dhego adeegay sida ay Booliiska sheegeen.

Waco-mootooyin-1

Goobta dagaalka ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale ku yaal suuq weyn oo maalinta Axada ay dad badan booqdaan.

Dhamaan dadka ku dhintay dagaalkan ayaa ka tirsan kooxaha gacanta isulla tagay oo ay ugu badan yihiin taageerayaasha kooxaha loo kala yaqaan Bandidos iyo Cossacks.

USA-dagaal-Waco2

USA-dagaal-Waco4

Booliiska oo xoog u adeegsaday joojinta dagaalka ayaa xabsiga dhigay 160 xubnood oo kamid ah kooxahan mootooyinka wata oo qeyb weyn ka ah burcada habeysan ee ka jirta dalkaasi Maraykanka.

Booliiska oo Xasuuq geystay

USA-dagaal-Waco3

Warar hada soo baxaya ayaa sheegay in dadka dhintay ay qaarkood dileen ciidamada Booliiska oo fursadan u adeegsaday inay laftooda wax ka dilaan xubnaha kamid ah kooxahan.

Waxaana hada la hadal hayaan in qaar kamid ah kooxaha dadka laga dilay ay raad-raadinayaan sidii ay uga aargudan lahaayeen ciidamada Booliiska.

Comments

comments

SHARE