Somaliland: “Qaranka Somaliland waa Qiso Qarsoomi Karin Qof Walbana Qancisay” Wasiir Xirsi

Waa maanta oo kale “18May” markii shacab weynaha reer Somaliland dhidibada u taageen Qaran mar god kaga dhacay, waana maalin sooyaalka Taariikhda Somaliland kaga jirta baal dahab ah oo lagu qoray biyo luul ka samaysan.

Waa taariikh widhwidhaysa oo caalamka tusaale uugu noqotay in dal aan helin deeq iyo dayn toona uu yeelan karo qaran buuxiyey dhamaan shuruudaha looga baahan yahay hadii uu helo; dad sidiina u barbar taagan iyo hogaan go’aan geesinimo leh!

Shacab weynaha reer Somaliland ee ku dhaqan dhamaan daafaha dunida waxaan uugu hambalyeynayaa maalinta dib uula soo noqoshada qaranimada Somaliland ee 18-ka May.

Guul Allaa leh Gobonimana Shacabkaa Mudan,
Somaliland ha Waarto

Wa Bilaahi Tawfiiq

Comments

comments

SHARE