18 May Somaliland: Jawiga Gobollaka Togdheer Looga Xusay Munaasibaddii 18-ka May

Madaxda Qaranka iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa shalay si wayn ugu debbaal degay 24 guurada ka soo wareegtay maalinta qarannimada Somaliland.

Xukuumadda, Asxaabta qaranka iyo maamulka heer gobol iyo degmo, ayaa si wayn ugala qayb galay dadwaynaha reer Burco, waxaana munaasibadda ka qayb galay Wasiirro uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Jaamac Cabdilaahi Biin, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, Maamulka heer gobol iyo degmo ee Togdheer iyo Burco iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Shacbiwaynaha ku dhaqan magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, ayaa xuska iyo debbaal degga maalinta qaran waxay halku dhig ka dhigteen “Qarannimada dalkayga doodi kama furna”burco2

Masuuliyiinta qaranka iyo dadwaynaha Burco oo markii ugu horraysay isugu soo baxay Garoonka diyaarahada ee magaalada Burco halkaasoo loo asteeyay in ay reer Burco ku debbaal degaan ciidammadda qalabka sidaana salaanta qaran ku bixiyaan waxaa ugu horrayn halkaa ka hadlay Maayerka magaalada Burco Maxamed Yuusuf Muraad waxaana hadaladiisii ka mid ahaa. “18 ka May waa maalin bulshada reer Somaliland kaga taalla wadnaha iyo halista oo ay meel uga soo wada jeedaan, garoonkaa diyaaradaha ee aynu maanta(shalay) xuska ku qabanay waa dhulkii aynu ugu nimi raggii muaajihidiinta ahaa ee dalkan xorriyaddiisa u soo halgamay meydadkooda waxaanay astaan lama ilaawaan ah u tahay qarannimada Somaliland.”

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo ka dareen celinayay halkudhigga ay bulshada reer Burco ku debbaal degayeen iyo sida ay u tahay mid aan ka noqosho lahayn,ayaa yidhi: “Qarannimada dalkayga doodi kama taagna waa farriin aynu u dirayno Soomaaliya iyo beesha caalamkaba taasoo ah in aanay qarannimada Somaliland ee 24jirsatay gor gortan gali karaynin isla markaana aanay ummaddani dib uga noqonaynin cid dib uga celin kartaana aanay jirin”burco3

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire ayaa isna sheegay in 24 guurada maalinta Qaran ee la soo noqoshada madaxbannaanida Qarannimada Somaliland in ay astaan u tahay jiritaanka qaran wada jira oo isku tashaday waxaanu tusaale horumar u soo qaatay dhismaha madaarka Burco ee shalay munaasibadda lagu qabtay oo dib u dhis balaadhan lagu sameeyay intii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada haysay iyo derajooyinka ciidammadda oo uu tilmaamay in ay tahay guul qaran oo lagu dhiiraday. “Maanta oo aynu u debbaal degayno sanad guuradii 24 aad ee la soo noqoshada Qarannimadda Somaliland waxaynu maraynaa halkii ugu wanaagsanayd waxaa horumarka dalka ka marag ah madaarkan aynu maanta(shalay) ku qabanay xuska dib u dhiska balaadhan ee laga hir galiyay intii xukuumadda KULMIYE talada haysay waxaa sharaf iyo guul qaran ah oo dawladnimadeena dhammaystirtay ah derajada ciidammadda oo xukuumadda maanta joogtaa ku dhiiratay waad arkaysaan ciidankeenna debbaal degga inagala qayb qaadanaya sharafta ciidan iyo derajooyinka ka muuqda.”

burco4

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo munaaisabadda 24 guurada maalinta qaran kala qayb galay shacbiga magaalada Burco,ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in bulshada reer Somaliland is garab taagto ciidammadda oo ay ogaadaan ragga difaaca dalka heeganka u ah waxaa kale oo uu farriin u diray siyaasiyiinta dibad meerka ah ee u dhashay Somaliland oo uu kula taliyay in ay xaqiiqada u soo noqdaan dalkoodana cafis ka dalbadaan oo xumaanta iyo xaasidnimada ka soo noqdaan isagoo ugu dambayna dawladda Muqdisho farriin adag u diray.

“Walaalayaal waa in Ciidamadeena aynu garab istaagnaa, waa in Mushaharka loo kordhiyaa, waa in damiirka loo shidaa, maantoo kale waa in Hilib la siiyaa walaalayaal, waa in Lacag la siiyaa oo la dhiiri galiyaa. Walaalayaal Ragga(Ciidanka) inoo heeganka ah ayaan salaan u dirayaa inta aynu innagu halkan habar-habarta isku haysanno” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaa ku daray “Muqdisho waxaa fadhiya maanta oo Aduunku dhakada ka saaray Caruur yaryar oo ku kacday Iskuulkii Maxamed Siyaad Barre, oo aan garanayn wixii aynu ahaan jirnay iyo inaynu qaran ahaan jiray, oo aan garanayn inaynu halgan galnay, oo in la ina xasuuqay aan ogayn oo Idaacadda ka dhegaysan jiray Kubaddii gobolada ayaa Hargeysa lagu qabanayaa inagoo halganka ku jirna, waxay inoo haystaan in inaga iyo Garbahaaray isku mid nahay, inaga iyo Garoowe, Kismaayo ayay ina simayaan. Walaalayaal Ciyaalkaasi waxay ku jiraan Taangiyo African wadaan, waxaa xukumada Nin Ingiriis ah oo Nicholas Kay la yidhaa oo amarka siiya, Soomaali wuu baabiiyay oo wuxuu ka dhigay 5 qaybood. Hadda inagay inoo soo jeesteen oo leeyihiin Somaliland hala soo qabto, Garoowe may inna qaban kartaa walaalayaal? Waa maya,”. Ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

burco5

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ugu dambayn waxaa uu waano qaran u soo jeediyay dhalinyarada reer Somaliland isagoo farriinna u diray siyaasiyiintda debad meerka ah “Dalkan waa la xoreeyay waa loo dhintay, 85% dhalinyaro ayaa joogta, mustaqbal baad u baahan tihiin oo reer hebel iyo reer hebel Mustaqbalkiinna dhisi maayo ee Somaliland ku hadaaqa. Qabyaalad cidda idiinla timaada walaalayaal iska naara waa Shayaadiine. Dad u dhashay Somaliland ayaa Muqdisho jooga oo Khaatumo la baxay oo USP la baxay Alle ha soo hadeeyo ayaan leeyahay. Cali Khaliif-na waxaan leeyahay xaasidnimada ka soo noqo oo toobad keen xumaantaa ha ku dhiman e.”

Waxaa kale oo guud ahaan debbaal degga 24 guurada maalinta qaran ee magaalada Burco si weyn uga qayn qaatay guud ahaan dadwaynaha magaalada Burco ardayda jaamacadda iyo dugsiyada kala duwan shirkadaha ganacsiga iyo hayadaha dawladda iyadoo qurxuda debbaal degga Burco ay sii laban laantay goobta lagu qabtay oo ahayd garoonka diyaaradaha oo roobban xilliganna doogga iyo manka soo baxay hareeraha ka xigeen iyo ciidamadda qalabka sida oo gaaddo ka ciyaar aad loo jeclaystay ku soo bandhigay halka ay dadwayhaya qaar kaga qayb qaateen fardo lagu soo heenseeyay calanka Somaliland.

Comments

comments