Somalia: Diyaarad Drone ah oo ku soo dhacdey gobolka Baay

Wararka laga helaayo dadka deegaanka Buurhakaba ee gobolka Baay, waxaa maanta oo Axad ah ku soo dhacdey meel ku dhaw magaalada Buurhakaba, diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn isla markaana ah nooca loo adeegsado in ay wax basaasto ama qaado sawiro.

Dad goobjoog ah ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyey, in koox ka tirsan al-Shabaab ay halkaas tageen isla markaana ay qaateen  haraagii diyaaradda.

Warbaahinta al-Shabaab  ayaa xaqiijisey in  Koox ka tirsan ciidamadodu ay goobta drone-ku ku dhacdey ay tageen, waxaana warbahinta al-Shabaab sheegaysaa in diyaaradda  aya lahaayeen ciidamada Maraykanka, ma sheegin qaabka ay ku xaqiijiyeen.

Comments

comments