Nigeria: Gabar 12 jir ah oo isku qarxisay suuq laga buuxo!

Dad gaaraya 7 qof ayaa Sabtidii shalay ku dhintay suuq ku yaal magaalada Damuturu ee xarunta gobalka Yobe ee waqooyiga dalkaasi Nigeria.

Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa ka dhacay xarunta basaska laga raaco iyadoo dad goob-joogayaal ah sheegeen inay weerarkan fulisay gabar da’a yar oo ay ku qiyaaseen 12 sano jir.

In ka badan 30 qof ayaa qaraxa ku dhaawacmay, walow aan cidna weli sheegan qaraxan hase yeeshee waxaa la tuhunsan yahay inay ka danbeyso kooxda Boko Xaram oo horey weeraro noocaan ah u adeegsaday gabdho da’a yar ah.

Comments

comments

SHARE