Afghanistan: EUPOL oo lagu weeraray Afghanistan

Ugu yaraan afar qof ayaa ku nafwaayey weerar ka dhacay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, mid kamid ah kuwa lagu diley weerarka ayaa ah ajnabi ka tirsanaa ciidanka Booliska ee Midowga Yurub, weerarka ayaa ahaa nooca loo yaqaan ismiidaaminta ee qaraxa loo adeegsado.

Afhayeen u hadley EUPOL waxa uu sheegey in saddex qof oo kale oo ka tirsan Booliska ay ku dhaawacmeen weerarka, isla markaana uu xaqjiiniayo dhimashada hal qof oo Booliskooda ka tirsan.

Sida laga soo xiganayo Reuters gaari Toyoto Corolla ah aya lagu soo rarey waxyaabaha qarxa, waxaana lagu weeraray xarunta Booliska EUPOL meel ku dhaw garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Sidoo kale waxaa weerarakaas ku nafwaayey laba qof oo kale oo rayid ah oo goobta ka dhawaa, waxaana wararku sheegayaan in ay ahaayeen gabdho.

Maalintii Khamiista waxaa Talibaanka Afqaanistaan weerar ku qaadeen Hotel, waxaana ay ku dileen 14 qof oo 9 kamid ah ay ahaayeen ajaanib. Marka la gaaro xilliga guga waxaa Talibaanku kor u qaadaan weerarada ay ku qaadaan Xukuumadda Afqaanistaan iyo dalalka taageera.

Comments

comments

SHARE