18 May: Xaflad Balaadhan oo lagu xusayay 18 May ayaa ka Dhacday Brussels Belgium

143

Xaflad balaadhan oo lagu qabtay magaalada Brussels iyadoo lagu xusayo 24 guuradii kasoo waareegtay markii ay Somaliland Dib ulasoo noqotay xornimadeedii ,Xafladan oo ay kasoo qayb galeen dhamaanjaaliysaha Somaliland ee dalka Belgium,jaaliyada reer Somaliland e dalka Holland, sidoo kale xubno kale oo ka socday jaaliyada reer Somaliland ee dàlka Faransiiska.

Xafladan oo ahayd mid si heer sare oo caalami ah loo soo qabanqaabiyay ,waxaana goobta sidoo kale ku sugnaa madaxsare o ka socda xisbiyada qaranka Dalka Bellgium,iyadoo sidoo kale ay xaflada kasoo qayb galeen xubno sare oo ka socday jaaliyada dalka iiraan ee ku dhaqan wadanka Belgium.

Xafladan oo ay goobta buuxdhaafiyeen boqolaal reer Somaliland oo ka kala yimid dhamaan gobolada dalka Belgim ,iyadoo goobta ay si gaar ah dhalinyaradu si gaar ah ugu soo labisteen calanka quruxda badan ee cagaarka,casaanka iyo cagaarka ah kuna xardhan yahay tawxiidka.

Xafladan 18 may ee lagu xusayay dib usoo noqoshadii jiritaanka Somaliland àyaa ka mid ahayd xaflada caalamka oo dhan ka dhacaya ee lagu xusayo dib usoo noqoshada jiritaanka Somaliland ,iyadoo ay ka qaybgalayaan dhamaan jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan Wadamada kala duwan ee xafladuhu ka dhacayaa, iyadoo goobkasta lagu soo bandhigayo jiritaanka Somaliland iyo taageerada ay jaaliyaduhu Markasta la garab taagan yihiin iyo sida ay u jecelihiin inay mar uun arkaan wadankooda oo kamid noqday caalamka

 

Comments

comments

SHARE