South Sudan: Dagaal culus oo ka socda Koonfurta Sudan

Dagaal culus ayaa ka sii socda Koonfurta Sudan, kaas oo u dhaxeeya xukuumadda iyo malayshiyo hubaysan.

Fallaagadu waxay weerar ku qaadeen goor dambe oo jimcihii ah magaalada Istraatijiga ah ee ku taalla waqooyiga ee Malakal, taas oo jawaab u ah duullaan ay dhowaan qaadeen ciidanku dawladdu.

Xukuumaddu waxa ay sheegtay in ay magaalada difaaceen oo ay malayshida u diideen in ay qabsadaan.

Urur goboleedka IGAD oo dhexdhexaadinaya labada dhinac ayayna xukuumaddu ku eedaysay in ay ku guuldaraysteen in ay xal keenaan.

IGAD ayaa dhawaan dawladda Koonfurta Suudaan ku eedaysay in aan damaanad laga haynin ayna si xun u dhaqmayso marka ay dagaal gasho.

Comments

comments

SHARE