Somaliland: Wefti Madaxweyne Xigeenka Somaliland Hogaaminayo Oo Boorama Lagu Soo Dhaweeyay

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan  Cabdillaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Boorama ee Xarunta Awdal. Madaxda heer gobol iyo Dadweyne tiro badan ayaa Madaxweyne xigeenka kaga hor yimid degmada Dila islamarkaana u galbiyay dhinaca Boorama.

Madaxweyne xigeenka waxaa socdaalkiisa Boorama ku wehelinaya Xubno golaha wasiirada ka tirsan, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, kuwaasi oo halkaasi ku sugnaan doona ilaa 18-ka May.

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo saxaafadda hadal kooban siiyay ayaa sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho wanaajinta amaanka Gobolka iyo ka qayb galka Maalinta Qaran ee 18-ka May. Waxa uu sheegay in shacbiga Awdal kala qayb qaadan doonaan xuska iyo dabaal dega 18 May.

Gobolka Awdal ayaa baryahan dambe ay ka jirtaa amaan darro dhinaca Xuduudka Ethiopia ah, halkaasi oo Kooxda Suldaan Wabar ka samayso Waxyaabo carqalad ku ah amaanka gobolka. Waxaa la rajaynayaa in Madaxweyne xigeenku arrimahaasi kala xaajoodo maamulka iyo waxgaradka Awdal

Comments

comments