Somaliland: Wasiir Xirsi Oo Sharaxay Kulan Dhex Maray Weftiga Somaliland Ee Dubai Ku Sugan iyo Shirkadda Dekedda Berbera dib u dhisaysa

Wasiiro xukumadda Somaliland ka tirsan iyo Maareeyaha Dekedda Berbera, ayaa magaalada Dubai ee wadanka Imaaraadka Carabta kulamo kula yeeshay Madaxda sare ee Shirkadda DP World oo danaynaysa inay maalgashi ku samayso dekedda Berbera iyo maamulka sare ee Dekedda Jebel Cali Port.

Weftiga Somaliland oo ah Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan,Wasiirka Qorshaynta qaranka Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Ganacsiga Dr Muuse Qaasim,Wasiirka Hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif iyo Maareeyaha dekedda Berbera Cali Xoor-xoor, ayaa lagu soo wareejiyay dekedda Jebel Cali oo ah dekedda 9-aad ee duniga ugu weyn uguna Casrisan. Weftiga ayaa indhahooda ku soo arkay qaabka dekeddu u dhisan tahay iyo hanaankeeda shaqo, si ay u barbar dhigaan dekedda Berbera ee Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo Telefishanka HCTV la hadlay kulamadaasi kadib ayaa sharaxay wada hadalka u bilaabmay Shirkadda DP World ee lagu wado inay la wareegto Maamulka Dekedda Berbera “Waxaanu kulan la yeelanay Madaxda DP World oo ah qolada maamusha dekeddahan Imaaraadka, si fiican buu wada hadalku u bilaabay waxaanu ahaa kulan midho dhal ah, waxaanan rajaynayaa inuu guul abuuri doono, waxaanu ka wada hadalnay iyagu waxay dhinacooda wateen baahiyahooda iyo dalabkooda, annaguna waxaanu wadanay baahiyahayaga iyo dalabkayaga oo aanu is waydaarsanaynay,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxa uu ku dooday inaanay si sahlan u dhaxal wareejin doonin Dekedda Berbera oo ah hantida ugu weyn ee Somaliland “Dekedda Berbera oo ah hantidii ugu qaalisanayd inay si sahal ah ku wareegto oo cid kale gacanta ugu gasho diyaar uma nihin, dabcan dekedduna in la horumariyo ayay u baahan tahay oo hadday meel taagnaato waa la dhaafayaa”

Xukumadda Somaliland ayaan ilaa hadda Bulshada Somaliland u bandhigin hanaanka heshiiska lagu wareejinayo maamulka dekedda Berbera noqonayo balse Wasiir Xirsi ayaa sheegay inaanu qorshaha dekedda lagu wareejinayaa noqon mid qarsoodi ah balse marka heshiis lala gaadho Shirkadda lagu qanco shacabka loo sharixi doono.

Bulshada iyo Mucaaradka ayaa si aada u hadal hayay wareejinta dekedda Berbera ee Somaliland kadib markii Xukumaddu hore u wareejiyay Warshadaha Laydhka ee Hargeysa iyo Berbera oo Xukumaddu hore u maamulaysay balse hadda dad shacab ah lagu wareejiyay.

 

Comments

comments

SHARE