Italy: Nin 4 qof ku dilay Napels

The alleged shooter is taken into custody after a shooting spree, in Naples, Italy, 15 May 2015. Italian police say a man opened fire with a pump-action rifle in a Naples suburb, killing first his brother and sister-in-law at home, then killing two other persons and wounding six as he shot from a balcony. The police said the man, a 48-year-old nurse, surrendered to officers and was being questioned Friday evening at Naples police headquarters. (Cesare Abbate/ANSA via AP) ITALY OUT

Nin hubeysan ayaa maanta oo Sabti ah magaalada Napels ee dalkaasi Talyaaniga ku dilay afar qof oo uu ku jiro walaalkiis.

Ninkan oo 48 sano jir ayaa la sheegay inuu weerar ku qaaday gurigii uu degenaa nin walaalkiis ah oo 52 sano jir ah, wuxuuna toogasho ku dilay walaalkii iyo xaaskiisa.

Kadib weerarkan ayuu ninkan rasaas ooda uga qaaday dhamaan dadkii marayey wadad xaafadaasi, isagoo adeegsanaya bistoolad iyo qori uu watay.

Wuxuuna dilay sarkaal Booliiska la shaqeeya oo isku dayey inuu qabto iyo nin kale oo rayid ah oo wadada marayey.

Waxaa weerarkan ku dhaawacmay lix qof oo kale oo ay ku jiraan labo askari oo booliis ah.

Ninkan ayaa la sheegay inuu is dhiibay kadib markii telefonka lagula hadlayey muddo 40 daqiiqo ah.

Comments

comments

SHARE