Iraq: ISIS oo gacanta ku dhigtay Ramadi

Xoogaga ISIS ayaa Jimcihii shalay la wareegay gacan ku heynta magaalada Ramadi ee caasimada gobalka Anbar ee dalkaasi Ciraaq.

Maleeshiyaadka ISIS ayaa gadiid bambaano lasoo saaray ku qarxiyey sadex goobood oo magaalada kamid ah iyagoona xoog ku galay xarumaha waaweyn ee dowlada Ciraaq magaaladaasi ku leedahay.

Dad badan ayaa lagu dilay dagaalada Ramadi iyadoo dadka Jimcihii la dilay ay ku jiraan 10 kamid ah ciidamada Booliiska oo ay ISIS nolol ku qabatay.

Dowlada Ciraaq ayaa sheegtay in maanta oo Sabti ah ciidamo gurmad ah u direen magaaladaasi si dib looga saaro kooxdaasi.

Comments

comments

SHARE