Indonesia: Doonyo sida boqolaal qaxooti ah oo lasoo badbaadiyey!

Ugu yaraan 200 qof oo Qaxooti ah ayaa shalay gelinkii danbe soo gaaray jasiirada Ajeh ee dalkaasi Indonesia.

Qaxootigan oo u badan dadka Rohinga ee Muslimiinta Burma ayaa intooda badan laga soo saaray bada kadib markii ay ka boodeen doonyihii ay saarnaayeen.

Dowlada Indonesia ayaa todobaadkan bilowday inay dib u celiso doonyaha qaxootiga sida inta aysan soo gaarin xeebaha dalkaasi.

Balse Qaxootiga ayaa iyaguna farsamadooda wax ka bedalay iyagoo iska tuura doonyaha si ciidamada Bada Indonesia iyo kaluumeysatada ugu soo gurmadaan.

Comments

comments

SHARE