UK: Ireland oo fashilisay qorshe lagu dili ahaa Prince Charles

Booliiska Ireland ayaa gacanta ku dhigay lix nin oo qorsheenayey inay dilaan Prince Charles iyo xaaskiisa Camila oo todobaadka soo socda booqasho ku tagi doona halkaasi.

Booliiska ayaa gudaha u galay 20 guri waxayna gacanta ku dhigeen bambaanoooyin iyo bistoolado la doonayey in lagu fuliyo weerarkaasi.

Prince Charles oo ah wiilka Boqorada Ingiriiska ayaa todobaadka soo socoda u tagaya Ireland xus loo sameenayo Adeerkiis Lord Mountbatten oo sanadkii 1979kii ay dileen kooxda IRA.

Ragga la qabtay ayaa la sheegay inay xiriir la leeyihiin kooxda Real IRA oo ah koox ka baxday dhaq dhaqaaqii IRA oo iyagu heshiis nabadeed la galay dowlada UK oo ay muddo dheer dagaal kula jireen.

Comments

comments

SHARE