Yemen: Dagaaladii ugu adkaa oo dhacay Saacado kahor Xabad-Joojinta!

Waxaa xalay saacadu markay ahayd 11kii habeenimo bilowday xabad joojinta dagaalka Yemen, wallow Isniintii iyo Salaasadii shalay ay dhaceen dagaaladii ugu xumaa oo ay dad badan ku dhinteen.

Diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga oo duqeeyey keydka hubka xuuthiyiinta oo ku yaal buur ku taal magaalada Sanca, ayaa qaraxii ka dhashay ay ku dhinteen ugu yaraan 69 qof.

Qaraxa goobtaasi ka dhacay ayaa sii socday illaa shalay gelinkii danbe, dadka ku dhintay goobtaasi ayaa u badnaa shacab ay gaartay rasaasta iyo qaraxyada ka dhashay kaydka hubka ee la duqeeyey.

Magaalada Tacis ayey ku dhinteen 10 qof kadib markii la sheegay in Xuuthiyiinta ay hoobiyayaal ku garaaceen qeybo kamid ah magaaladaasi.

Xabad joojinta socon doonta 5 maalmood ayaa loogu talo galay in fursad loo siiyo gar-gaar bini’aadamnimo oo dalkaasi la geeyo, wallow aan la aqoon in dhinacyada dagaalamaya ay xabad-joojinta tixgelin doonaan 5taasi maalmood.

Comments

comments

SHARE