Somaliland: “Somaliland Waa Dawlad Shuruucdeeda Iyo Distoorkeeda Leh, Wixii Dhexdeeda Yaalana Iyada Ku Filan”. Wasiirka Arrimaha Debadda.

Wasiirka arrimaha debadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in dalka Somaliland uu yahay waddan shuruuc u gaara leh, arrimihiisana isagu xalisan kara, sidoo kale wuxuu Wasiirku sheegay inay wadashaqayn leeyihiin beesha caalamka balse aanu jirin waddan Somaliland Xukumada. Wasiir Maxamed Biixi Yoonis wuxuu sidaa kaga hadlay maruu Saxaafadda u waramaayay, isagu ugu horeyn ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay in Midowga Yurub diiday Muddo kordhintii Guurtida wuxuu kaga jawaabay.

“Dawladda Somaliland waa Dawlad kamid ah beesha caalamka, waa dawlad walow aanay Ictiraaf haysan dadaashay inay gaar isu taagto, waa dawlad Dastuurkeeda, Shuruucdeeda, waxqabadkeeda iyo ururadeeda leh, shaqadeeda iyo hawsheeda siday u qabsatana way taqaana, beesha caalamka wadahadal waanu yeelana annaga iyo iyagu  waanuna is waraysanaa,lakiin danta Somaliland shacabkeeda, Guurtideeda,  baarlamaankeeda iyo Dawladda  ayay u taala. Caalamkana waanu kala wada hadalnaa wax dhibaato ahina ma jiraan, waanuna ku qancina shuruucda dalka”.

Comments

comments

SHARE