Russia: Kerry oo la kulmay Putin iyo Lavrov

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry oo Salaasadii shalay booqasho rasmi ah ku tagay dalka Ruushka ayaa kulan dheer la qaatay hogaamiyayaasha Ruushka.

Kerry ayaa hotel ku yaal magaalada Sotsji kulan 4 saac qaatay kula yeeshay dhigiisa Sergej Lavrov, kadib kulankaasi ayuu wuxuu shir kale la yeeshay Madaweyne Vladamir Putin oo hada ku sugan Sotsji.

Kulamadan kadib ayey shir jaraa’iid qabteen Kerry iyo dhigiisa waxaana lagu sheegay in wadahadalku uu ahaa mid fur furan oo meelo badan taabtay.

“…Dowlada Ruushka waxay diyaar u tahay inay hagaajiso xiriirka labada dal iyo waliba iskaashiga dhanka xasiloonida caalamka, balse caqabadaha ku yimid xiriirka labada dhinac maaha mid ay ka danbeyso dowlada Ruushka….”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka oo eeda ku riixay dhanka Maraykanka.

Sergej Lavrov ayaa intaasi ku daray in Ruushka uusan ka tanaasuli doonin waxa ku xiran danaha Qarankooda.

Qodobada ay dhinacyadan ka wadahadleen ayaa waxaa kamid ah dagaalka ka socda Ukraine, Siiriya iyo waliba barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

Dowlada Maraykanka ayaa dooneysa inuu Ruushka ku cadaadiyo kooxaha gooni u goosadka Ukraine inay xabad-joojinta tixgeliyeen, sidoo kale Ruushka joojiyo taageerada uu siiyo dowlada Siiriya ee Bashaar Al Assad.

Dhanka wadanka Iran, wuxuu Maraykanka kasoo horjeedaa in xiligan uu Ruushka ka iibiyo dalkaasi gantaalada casriga ah ee lidka diyaaradaha S300.

Ma jiraan wax cad oo heshiis ah oo kasoo baxay kulankan, waxaana sidoo kale qoraal uu soo saaray afhayeenka Madaxweyne Putin lagu sheegay in cunaqabateynta uu Maraykanka saaray Ruushka ay horseedi doonto xiriirka oo sii xumaada iyadoo Ruushku ku cel celiyey inuusan ka tanaasuli doonin danahooda masiiriga ah.

Comments

comments

SHARE