North Korea: Wasiirkii Difaaca Kuuriyada Waqooyi oo la dilay

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa la sheegay inuu amray dilka Wasiirka Difaaca wadankaasi kadib markii uu ka xanaaqay ficil uu sameeyey Mas’uulkaasi.

Warbaahinta iyo Sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegaya in Wasiirka Difaaca Hyon Yong Chol uu seexday wakhti ay socotay xaflad militari oo bishii lasoo dhaafay ka dhacday caasimada dalkaasi xili uu goobtaasi ku sugnaa Hogaamiyaha Kim Jong Un.

Hyon Yong Chol2Falkan ayaa lagu sheegay asluub-xumo iyo tixgelin la’aan ku aadan hogaamiyaha dalkaasi.

Laba todobaad kahor ayaa la sheegay in Wasiirka Difaaca lagu toogtay Akademiyada ciidamada ee ku taal caasimada Pyongyang, waxaana lagu toogtay hubka lidka diyaaradaha.

Toogashada Wasiirka ayaa la sheegay inay u daawasho tageen boqolaal dad ah.

Sanadihii lasoo dhaafay ayuu dhowr mar dil ku xukumay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi qaar kamid ah Saraakiishii sare sare ee horey ulla soo shaqeeyey Aabihiis oo uu xilka ka dhaxlay.

Comments

comments

SHARE