Hargeysa: U Diyaar Garowga Munaasibadda 24 Guurrada Somaliland

Waxaa suuqyada caasimadda Hargeysa aad looga dareemayaa u diyaar garawga afar iyo labaatan guurada ka soo wareegtay maalinta xornimadda qaran ee 18-ka bishan May, oo ku beegan maalinta isniinta ee todobaadka dambe.

mayMashquul badan ayaa laga dareemayaa noqday meheradaha dawaarleyaasha dharka tolla oo ay dadku si xawli ah uga socda dharka oo ay ka tolanayaan calanka astaanta u ah Somaliland. waxaa kor u kacay iibsiga dharka caruurta ee ka samaysan calanka Somaliland iyadoo sida Maalmaha ciidaha oo kale ay caruurtu ku ciidayaan dharka astaanka qaran ee Calanka Somaliland.
Waalidiinta ku dhaqan caasimadda Hargeysa intooda badan ayaa ubadkooga u tolaya dhar laga sameeyay midabyadda calanka Somaliland, sidoo kale waxaa kor u kacay qiimaha calanka Somaliland oo aad loo kala iibsanayo.

Waxaana si weyn uga socda suuqyada caasimadda Hargeysa kala iibsiga dhamaan waxyaabaha ku suntan Astaanta Somaliland sida koofiyadaha calanka ah, dharka calanka laga sameeyay iyo alaabooyin kale oo ay ku xardhantahay 18 May iyo kelmado la mid ah oo lagu muujinayo xuska maalinta qaran ee Somaliland.Waxaanad moodaysaa caasimadda Hargeysa sida caruurta dharka calanka ah loogu iibinayo in loo diyaar garoobayo munaasibad ciideed.

Comments

comments

SHARE