Bujumbura : Deg-deg Afgenbi Mileteri oo ka dhacay Burundi

Ciidamada Qalabka sida ee dalka Burundi ayaa u soo baxay dariiqyada caasimadda Burundi  iyo qaar ka mid ah magaalooyinka, waxaa la sheegayaa in ay la wareegeen warbahintii Dowladda, waxaana ay ku dhawaaqeen in ay shaqada ka cayriyeen Madaxweynihii dalkaas Pierre Nkurunziza oo hadda safar ku jooga dalka Tanzaaniya,  waxaana uu ka qabgalayaa shir dalalka Afrikaanka ah ay ka leeyihiin xaaladda Burundi ayuunka ka qaybgalayaa.

Maj Gen Godefroid Niyombareh oo u hadley ciidamada afgenibiyey xukuumadda Pierre Nkurunziza  ayaa raadiyaha dalkaas ka sheegay in ay ku dhawaaqeen guddiga badbaadinta qaranka. Lama oga in dhamaan sarakiisha ciidamada Burundi ay isku raacsan yihiin afgenbigan iyo taageerada Maj Gen Godefroid Niyombareh uu ka haysto ciidamada oo dhan.

Shacab u dabaaldegaya Afgenbiga socda
Shacab u dabaaldegaya Afgenbiga socda

Hoggaamiyaha afgenbiga la sheegayo in uu ka socdo dalka Burundi Maj Gen Godefroid Niyombareh ayaa horey u ahaan jirey Taliyaha sirdoonka Burundi, marna waxa uu soo noqdey safiirka Burundi u fadhiya dalka Kenya.

Weriyaal madaxbanaan ayaa warbaahinta u sheegay in dariiqyada  caasimadda Burundi Bujumbura ay isugu soo baxeen  dadweyne ku faraxsan afgenbiga la sheegayo in uu socdo.

Sidoo kale warbaahinta gudaha ee dalkaas ayaa sheegeysa in rasaas xooggan magaalada aga maqlaayo, waxaana ilaa hadda ku dhintey saddex qof, rasaasta xoogeeda ayaa laga maqlayaa xaafadaha ku dhaw Madaxtooyada dalka Burundi.

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza oo laba jeer oo hore xilka soo qabtey ayaa doonaya in uu markii saddexaad u tartamo xilka Madaxweynaha  doorashada soo socota isaga oo wax ka bedeley dastuurka oo oggolaanayey laba jeer oo keliya, waxaana uu marey Maxkamadda Dastuurka taas oo ku  dhawaaqdey in Madaxweynuhu mar kale isa sharixi karo.  Pierre Nkurunziza ayaa ku doodaya in Xiligii u horeysey ee Madaxtinmadiisa aysan ahayn mid  shacabku soo doortey ee uu ku yimid doorasho Baarlamaan, halka doorasho dadweyne uu haysto hal mar oo keliya.

Shacabka dalka Burundi ayaa si weyn uga horyimid in Pierre Nkurunziza uu mar  saddexaad isa sharaxo, waxaana Burundi ka dhacay Mudaaharaadyo aad u xooggan oo dad ku dhinteen, kuwaas oo weli socda. Pierre Nkurunziza ayaa si uu u dejiyo dadka todobaadkii hore ku dhawaaqey in ay tahay markii u danbeysey ee uu isa sharaxo oo aanu dib danbe isu soo sharixi doonin isaga oo u muuqda in uu haysto kalsooni ah in dib loo soo dooran doono.

Midowga Afrika ayaan soo dhaweeyneyn  Afgenbiga ka socda Burundi marka la eego sida Midowga Afrika ula dhaqmey Inqilaabyo horye uga dhacay dalal Afrikaan ah.

Dalka Burundi waxaa Soomaaliya ka jooga kumaankun ciidamo ah oo ku socda magaca AMISOM, waxaa dalkaasi horey u soo marey dagaalo sokeeye oo aad u kharaar, waxaana la is weydiinaya saameynta u yeelan karo isbedelka cusub ee dalkaas ka taagan.

Comments

comments

SHARE