US: Obama oo dib ula noqdey safiirkii uu Soomaaliya u magacaabey

144

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa bishii Feberaayo 2015 u magacaabey safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Katherine Simonds Dhanani, kadib 24 sano oo Safaarada Maraykanku xirneyd, War-saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Cad oo loo gudbiyey Aqalka Shuyuukhda ee Maraykanka maanta oo Isniin ah ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu dib ula noqdey Magacaabidii Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Katherine Dhanani oo sugeysey in Aqalka Shuyuukhdu ansixiyaan.

Masuul ka tirsan Aqalka Cad ayaa warbaahinta AP u sheegey in Katherine Simonds Dhanani markii horeba doonitaankeeda lagu magaacibin, haddana iyadu ay dalbatey in laga noqdo magacaabideedi arrimo shakhsiyadeed oo u gaar ah darteed.

Safaaraddii Maraykanka ee Soomaaliya ayaa la xirey sanadkii 1991 xilligaas oo magaalada Muqdisho ay ka socdeen dagaaladii lagu ridey Dowladdii Siyaad Barre dalkuna galay Dowald la’aan, Dhamaadkii sanadkii 1992 Maraykanku waxa uu Soomaaliya geeyey ciidamo aad u faro badan kuwaas oo ka qayb-galey hawlgal loogu magacdarey “Dib u soo celinta rajada Soomaaliya”, kadib marki dagaalo iyo macaluul ay ku dhufatey gobolka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.  Waxay dagaal aan ku talo gal ahayn la galeen tageerayaashii Gen Caydiid, waxana Maraykanka uga dhintey dagaaladaas 18 askeri, sanadkii 1994 Maraykanku si rasmi ah ayey uga baxeen Soomaaliya, waxaana ay ku tilmaami jireen ‘Waddan fashilmey’

Wasaaradda Arrimaha Dibdda ee Maraykanka ayaa qorsheheedu ahaa in Safiirka cusub ee Soomaaliya loo magacaabey Mrs.Dhanani ay ku sii shaqeyso dalka Kenya inta dib loo furayo Safaaraddii Maraykanka ee Soomaaliya.

Todobaadkii hore waxaa Muqdisho booqasho kedis h ku tegey Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kery, waxaana uu sheegey qorshaha dib loogu furaayo safaaraddii Maraykanka ee Soomaaliya in u socdo.

Comments

comments

SHARE