Somaliland: “Su’aashii Taagnayd Waxaynu Ku Dhammaynay Dariiqii Dastuuriga Ahayd” Wasiir Cukuse

102

“Guddoomiyihii Golaha Wakiiladda Ee Loo Kordhiyay Ayaa Leh Ku Muddaharaada,Waxaynu Eegi Maalinta Uu iska Casilo”

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa ka hadlay muddo kordhinta Guurtidu u sameeyeen maanta xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa go’aankii Guurtidda ka dib ayaa bogaadiyay Golaha Guurtidda oo uu sheegay inay waajibkooda ka guteen mawduucii la xidhiidhay dib u dhaca farsamo ee ku yimid doorashooyinkii Madaxtooyadda iyo wakiiladda ee la filayay inay dalka ka qabsoomaan 26 june ee sannadkan.

Comments

comments