Somaliland: Mudaharaad Shalay Gil-gilay Magaalada Burco

Mudaharaad lagaga soo horjeeday muddo kordhinta ay Golaha Guurtida Somaliland u sameeyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiilada, ayaa ka dhacay Magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Mudaharaadkan oo Gil-gilay Magaalada Burco ayaa dadka sameynayay waxay ku gubayeen Taayiro badhatamaha Burco, kuwaas oo ka soo horjeeda muddo kordhinta Guurtidu u samaysay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyadda oo ciidanka Booliska Burco ay la wareegeen Xafiiskii Xisbiga WADDANI ee gobolka Togdheer.

Comments

comments