Somaliland: Faysal Cali Waraabe Oo Ku Taliyay In La Sameeyo Wada-tashi Qaran

111

“Maanta Somaliland Waxay U Tahay Maalin Murugo, Guurtiduna Markeeda Horeba Bilaa Sharci Bay Ahayd”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag u naqadiyay muddo kordhinta ay Golaha Guurtidu u sameeyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu sheegay in Guurtidu ay mugdi geliyeen hanaankii Dimuquraadiyada ee ay Somaliland ku soo caano-maashay.

Sidaa waxa uu Faysal Cali Waraabe ku sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa.

“Maanta Somaliland waxay u tahay maalin murugo, Nimanka halkaa fadhiya ee Guurtida la yidhaahdo hadda gun baynu ugu yeedhaynaaye, maanta Somaliland wey dileen oo waxay is leeyihiin idinkuna nasteexaysta oo Baarlamaanka u nasteexeeya, dawlada u nasteexeeya laakiin qarankii wey dileen. Guurtidu markeeda horeba bilaa sharcbi bay ahayd, Golaha Wakiiladuna bilaa sharcibuu ku fadhiyaa 5 sannadood, anigu in badan waan sheegay waxaan idhi labadaa gole xaaran bay ku fadhiyaan waxay soo saaraana maaha wax dhaqangeli kara.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Waad ogtihiin laba jeer baanu u tagnay Guurtida, labadii jeer waxaanu u gubaabinay in muddadaa Komishanku sameeyay inay ogolaadaan, dalka u tudhaan oo hareeraha waxa inaga xiga ayaanu u sheegnay, markii dambena waxaanu nidhi doorashadaasi yaanay dhaafin 2016-ka, November baanu siinay maantana waad aragtaan waxa ka soo baxay , taasi waxay si cad inoogu sheegaysaa in caruurtaa Abayaashood dhaxlay ee bilaa sharciga ku yimid in aanay dadka iyo dalka u danaynay oo dantooda ka fikirayaan. Haddaba sidaanu shalay sheegnay talladaanu sheegnay haddii nalagu diiday waxaanu ku soo noqonay wakhtigii Komishanka ee saddexda xisbina markii hore isku raaceen.”

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu intaas ku daray “Guubaabadii iyo taladii aanu sheegnay haddii nalagu diiday anagu waxaanu ku soo noqonay wakhtigii Komishanka ee ahaa 1-da June 2016-ka ee Saddexda Xisbina hore u ogolaadeen, Arrintuna waxay maanta hor taalaa Madaxweynaha Somaliland oo ilaa 26-ka June 2015-ka Sharci ku fadhiyaya. Bari ayay Imanayaan wefti Midowga Yurub  ka socda ee haddii Madaxweynuhu isla caawa soo saari waayo Digreeto uu ku daadufaynayo go’aanka Guurtida bilaa sharciga ahi soo saartay oo uu ku ogolaanayo wakhtigii Komishanka waxaa noo caddaanaysa inaan Xukumaddiina shaqaynayn, markaa kol haddii Xukumaddii fulinta ahayd shaqayn wayday, Wakiiladii la soo doortay Sharci darro tahay, Guurtidii 23 sanno fadhido waxaa dadka la gudboon wada-tashi qaran si dawlad dadka badbaadisa oo shaqaysa loo dhiso.”

Comments

comments