Somaliland: Baashe Maxamed Oo Ka Hadlay Odayaal Lagu Xidh-Xidhay Degmada Taleex

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax ayaa u jawaabay siyaasiyiin Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiillada Oo Ka Hadlay Odayaal Lagu Xidh-Xidhay Degmada Taleex reer Somaliland ah oo Muqdisho kaga hadlay odayaal ciidamada Qaranku ku xidheen degmada Taleex.

Baashe oo daba socday eedaymo siyaasiyiin uu ka mid yahay Cali Khaliiif Galaydh Muqdisho uga soo jeediyeen Somaliland, ayaa yidhi “Nin kasta oo Somaliland u dhashay hadduu xukun doonaya waxa uu ku gaadhayaa inuu Somaliland yimaaddo oo uu siyaasadeeda ka qab-galo, laakiin in Xamar oo uu joogo Xasan Sheekh oo gobolladiisa waxba ka qaban kari waayay inay maalinba hadal ka soo tuuraan wax alaale iyo wax ay u qabaneysaa ma jirto…”

Guddoomiye Baashe, waxa kale oo uu sheegay “Fidmada Taleex halkay ka bilaabmatay waala ogaa, Puntland baa lagaga soo duuley oo dad baa lagu laayey, Somaliland way u gurmatay, Somaliland na xaq bay u leedahay inay dadkeeda u gurmato” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Cali Khaliif iyo kooxda Khaatumo sheeganeysaa way xallili kari wayday, laakiin Somaliland baa u gurmatay, ragga meesha tageyna waa raggii meesha u dhashay, sida Wasiirka biyaha iyo Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, dadka la xidhayna waa Cuqaashoodii….”

Comments

comments

SHARE