Somalia: Odayaasha Beelaha Hawiye oo taageeray go’aanka Golaha Guurtiddu

kulan balaadhan oo ay shalay isugu yimaadeen madaxda dhaqanka iyo kuwa siyaasadda ee Beelaha Hawiye ayay ku taageereen go’aankii Golaha Guurtiddu muddo kordhinta ugu sameeyeen Xukuumadda iyo Golaha wakiiladda.

Kulanka Madaxda dhaqanka Beelaha Hawiye oo ay ka mid ahaayeen Axmed Diiriye iyo Xasan Xaad ayaa sheegay inay Somaliland ku taageerayaan go’aanka kasta oo xaqiijinaya Nabadgelyadda Somaliland, iyagoo ku booriyey golayaasha iyo Axsaabta siyaasadda in ay taageeraan isku tanaasulka iyo midnimada shacabka Reer Somaliland.

Cali Cabdi Xasan (Cali minaboliya) oo ka mid ahaa Odayaasha Beelaha Hawiye oo Waaheen la soo xidhiidhay ayaa sheegay kulankaasi inay ka soo qayb galeen madaxda Beelaha Hawiye dhamaantood, kuwaas oo ahaa weftigii sanadkii hore booqashada ku yimi Somaliland, waxaanu sheegay Madax dhaqameedka Beelaha Hawiye inay ka go’antahay taageerada ay Somaliland Nabadgalyadeeda u hayaan.

Cali minaboliya waxa uu sheegay Somaliland inay tahay dal lagu daydo isla markaana ay ka xumaadaan khilaafka siyaasadeed ee ka soo yeedha marka ay loolamaan Axsaabta siyaasaddu, waxaanu ugu baaqay Mucaaradku inay hanaan nabadgelyo u maraan Damacooda.

Comments

comments