Somaliland: Masuul Xukumadda Ka Tirsan Oo Naqdiyay Qaab-dhismeedka Asxaabta Somaliland

124

Guddoomiyaha Hay’adda Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa Md. Axmed Muxumed Madar, ayaa si kulul u naqdiyey qaab-dhismeedka xisbiyada qaranka Somaliland, isagoo xusay in aanay jirin xisbiyo qaran, balse magac ahaan u samaysan yihiin.

“Anigu waxaan qabaa sida ay xaqiiqdu tahay xisbi inoo dhisan ma jiro oo wax xisbiyo la yidhaah ma jiraan, balse magac ayaan ayuun bay u jiraan, waxaanan xisbiyada u soo jeedinayaa inay bulshada ka daayaan qabyaaladda iyo kala qaybqaybinta, kana shaqeeyaan dhismaha qarannimada Somaliland si loo helo maamul-wanaag hufan iyo dawladnimo ka xor ah musuqmaasuqa, haddii kale ha iska joogaan yaanay wareerin bulshada Somaliland-e,” ayuu yidhi.

Waxa kaloo uu tilmaamay in shacabka Somaliland u samaysteen xisbiyada si ay uga baxaan qabyaaladda, waxaannu yidhi; “Xisbiyada waxaan u samaysannay in aan kaga baxno qabyaaladda. Dhaqamada liita ee dalkeenna ka jira maanta waxa ka mid ah xisbi qaran oo odhayana beel heblyaayo ayaa ku soo biirtay, kuna dhammaatay xisbiga, taasina waa dhaqan aad u xun, xisbigana waa la yaqaan oo shuruudihiisu waa inuu iibiyo aragti ee ma aha inuu iibiyo qabyaalad.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa waxa uu ku baaqay in xisbiyada qaranka Somaliland looga baahan yahay inay ka baxaan nidaamka qabyaalada, una dhaqmaan sida axsaabta caalamka.

“Waa in xisbiyadu ka baxaan nidaamka beelaha oo sida dunida dadka fikir iyo aragti laga iibiyo, lagana baxo qabyaaladda. Hore uma soconaynno, dib-u-dhacana waxa innoogu wacan, dhaqankeennu kama turjumayo ujeeddada aynnu u samaysannay xisbiyada, markaa waxaan u soo jeedinayaa xisbiyada in aynu ka baxnno qabyaalada oo dhisanno qaran dimoqraadi ah, waxaanad arkaysaa oo ceeb in la leeyahay beesha reer hebel waxa u sharraxan ninkaas, kaasoo sidoo kalena dabada ku haya xisbinnimo,” ayuu yidhi Guddoomiye Axmed Muxumed Madar.

“Waxa aad mooddaa in aanay bulshada waxba iska beddelin ilaa sannadkii 1960-kii marka loo eego sida ay wax u doortaan. Marka aad eegto siday maanta wax u dooranayaan iyo cidda ay dooranayaanba, iyadoo waqtiyadii hore la qiimayn jiray cidda la dooranayo, sida shaqsiyadiisa, dhaqankiisa, diintiisa, aqoontiisa iyo daacadnimadiisa, waxana xilliyadaas horeba jiray in qabyaalad wax lagu doorto, laakiin cidda la dooranayo waa la qiimayn jiray, maantana sidaas si ka duwan ayey bulshadu u doortaan masuuliyiinta u metelaya golayaasha qaranka, taasoo ah in reernimo wax lagu doorto, iyadoo la eegayo kan ayaa reerka wax u qaban kara, xilka uu qaranka u hayana wax ka qabsan karaya, qaladkaasina waa mid bulshadu leedahay. Waxa jirta in bulshado door weyn ku leedahay maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa. Waxa aannu tagnay toddoba gobol, waxa aannu la kulannay cuqaasha, madax-dhaqameedka, waxaanan ku baraarujinay inay wax ka beddelaan qaabka hadda wax loo doorto; isla markaana doorashooyinka soo socda bulshada ka dhaadhiciyaan inay wax u doortaan qaab ka duwan sida hadda wax loo doorto.

Waxa aannu aragnay doorashooyinkii golayaasha degaanka oo laga cabanayo kuwii la doortay iyo waxay noqdeen, iyadoo bulshadii soo dooratay ay hadda ka cabanayso, waxaanan doonaynaa in bulshadu wax ka beddesho qaabkaas hore ee wax u doortaan si ay u soo baxaan masuuliyiin ka shaqayn kara maamul-wanaag iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa, waana in qofka xilka u qabana ummadda loo eego diintiisa, aqoontiisa iyo dadnimadiisa, taas ayaana keeni karta maamul-wanaaga loo baahi qabo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa Somaliland.

 

Comments

comments

SHARE