Somaliland: Xukuumadda Oo Dhambaal Hambalyo ah u Dirtay David Cameron Oo Mar Labaad La Doortay

106

Xukuumadda Somaliland ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay Raysal wasaaraha dalka Britain David Cameron, oo dib loo soo doortay markii labaad ka dib markii uu guul taariikhiya xisbigiisa muxaafidka ah ee Conservative-ku ka soo hooyay doorashooyinkii guud ee dalkaasi ka dhacay khamiistii toddobaadkii hore.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay DAWAN, isagoo ku sugan magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo uu hawlo shaqo u joogo, ayaa sheegay inay ku bogaadinayaan Raysal Wasaare Cameroon iyo xisbigiisaba guusha ay ka soo hooyeen doorashadii guud ee Ingiriiska ka dhacday.

“Waanu ku Hambalyaynaynaa Raysal-wasaaraha iyo xisbigiisaba guusha ay ka gaadheen doorashadaasi, waxaanay ahayd mid xisbiyo badani ku tartameen hase yeeshee xisbiga Conservative-ka ayaa ku guulaystay. Aad iyo aad ayaannu ugu hambalyaynaynaa,” Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.

Wasiirka oo aanu waydiinay in doorashada ka dhacday Britain iyo dawlada cusub ee la filayo in Mr. Cameroon uu soo dhiso inay wax is-bedel ah ku keeni karto xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo UK, ayaa ku gaabsaday in aanay ka hordhacaynin arrintaasi, hase yeeshee waxa keliya ee hada laga hadli karaa ay tahay in ay ku hambalyaynayaan guusha xisbigaasi hantiyay.

“Doorashadaasi waxay ahayd mid si fiican u dhacday, oo aynu wax badan ka baran karno, innaga iyo wadamada kale ee Afrikaanka ahiba, . waxaanay tusaale fiican u tahay nidaamka dimuqraadiyadda iyo hanaanka isku tanaasulka, waana cashar iyo tusaale u baahan in lagu daydo,”Ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.

Comments

comments