Somaliland: Xisbiga Waddani Oo Qaadacay Wakhtiga Doorashooyinka Somaliland Loo Asteeyay

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa diiday muddo kordhin hal sanno iyo badh ah oo loo sameeyo Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo. kulan ay Sabtida maanta yeesheen Gudoomiyeyaasha saddexda Xisbi qaran iyo Guddida muddo kordhinta ka talo bixinaysa ee Guurtida ayaa Xisbiga Waddani ka baxay kadib markii la hor dhigay inuu saxeexo muddo kordhin wakhtiga doorashada u astaynaysa dhamaadka sanadka 2016-ka.

Gudoomiye Cirro oo arrintan ka biyo diidsan ayaa ka baxay shirka guurtida iyo Madaxda Axsaabta, balse Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi, ayaa kulanka kadib saxaafadda u sheegay inay aqbaleen wakhtigaasi guurtidu kordhinayso.

Warqad sidoo kale Axsaabtu arrintan ku Ogolaanayso ayaa muujinaysa inaan Gudoomiye Cirro Saxeexin

 

Comments

comments

SHARE