Somaliland: Dowladda Hoose ee Hargeysa oo ku Bixisay Boqolaal Kun oo Dollar Dhoofka Kooxda Xiddigaha Geeska‏

Kharshaka Dawlada Hoose ku Bixinayso Safarada Tamshalaha ah iyo Fool-xumada ka Muuqata Suuqyada Hargeysa Ee Xashiishku tuulan yahay

Dowladda Hoose ee Magaaladda Hargeysa ayaa Kumanaan Dollar si sharci darro ah ugu lunsatay Dhoofka koox ka tirsan Xidigaha Geeska ee ka dhisan magaaladda Hargeysa kuwaasoo sida wararku ay sheegeen qaarkood dalka uga baxay inay kala qayb-qaataan jaaliyaddaha Somaliland ee Yurub halka kuwa kalana la filayo in maalmaha soo socda ay dalka ka dhoofaan.Sida warar xog-ogaal ahi u Xaqiijiyeen Wargeyska Waaheen lacag lagu qiyaasay inta u dhaxaysa $40 kun illaa $ 60 kun oo dollarka Maraykan ka ah ayay xubno fir-fircoon oo dhinaca dowladda hoose ee hargeysa ka tirsani arrintan si gaar ah iskaga xil-saareen sidii ay ugu lunsan lahaayeen dhoofka kooxda Xidiga Geeska, taasoo ujeedada kowaad ee ay kooxdu ka rabtay ay ahayd inay Dowlad Hoose ahaan ka taageeraan kooxda dhinaca kharashka tigidhada.

Kharashka Ku baxaya Tigidhada Kooxda Xidigaha geeska ayaa ah mid la buun buuniyay oo ka badan inta tigidhku suuqyada ka marayo,.

Duqa Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo Xildhibaano badan oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee  magaaladda hargeysa oo aan la garanayna u jeedada rasmiga ah ee Safarkooda ayaa Dalka Sweden kaga dhawaaqay in kooxda Xiddigaha Geesku Xarunta Dalka Sweden kaga qayb gali doonaan ban-dhig balaadhan oo lagu xusi doono Munaasibadda 18ka May ee sanadkan 2015ka, balse muu carabaabin wax taageero dhaqaale ah oo ay ku bixin doonaan dhoofka Kooxda Xiddiga Geeska ee Qaarada Yurub.

Si kastaba ha ahaatee Lunsiga dhaqaale ee magaca Kooxda Xiddiga Geeska ay kula baxayaan kooxda ku mamtay Xoolaha Ummadda iyo Fool-xumada ka muuqata Suuqyada Hargeysa ayaan ahayn kuwa Ummadii soo dooratay Xubnaha Golaha Deegaanka Hargeysi aanay marnaba qaadan doonin.

Xigasho Wargeyska Waaheen

Comments

comments

SHARE